
Kooxda Arsenal ayaa Rajo siisay xilli ciyaareedkooda kadib markii ay garaaceen Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League.
Arsenal ayaa 3/0 Kaga badisay kooxda Real Madrid kulan ka dhacay Emirates iyaga oo Hal lug la galay wareega xiga.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay ku soo laabato garoomada premier League iyaga oo ku marti galin doona kooxda ay xafiiltamaan ee London Brentford garoonka Emirates fiidnimada sabtida.
Arsenal ayaa 11 dhibcood ka hoosaysa Liverpool iyada oo 7 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Kooxda Arne Slot ayaa ciyaaraysa galabnimada Axadda marka ay wajahayaan West Ham United, waxaana ay doonayaan inay ku Soo laabtaan wada guulaha.
Immisa dhibcood ayay Arsenal u baahan tahay si ay ugu guulaysato horyaalka Premier League.
sida laga soo xigtay Opta
In kasta oo Liverpool ay lumisay todobaadkii hore, khubarada tirakoobka ee Opta ayaa saadaaliyay inay heli doonaan ku dhawaad 87 dhibcood dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Tani waxa ay 4 dhibcood ka Hoosaysa intii ay Kooxda Man City ugu guulaystay Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa la saadaalinayaa inay heli doonto 76 dhibcood, taasoo guud ahaan noqonaysa 14 dhibcood todobada kulan ee ugu dambeeyay.
Waxay heli karaan kaliya ugu badnaan 83 dhibcood waxayna aad ugu badan tahay inay u baahan yihiin inay ku guuleystaan tiradaas si ay u helaan fursad kasta oo ay ugu guulaystaan horyaalka.
Saadaasha Opta ayaa si maldahan u sheegaysa in xitaa haddii Gunners ay heli karto dhibcaha ugu badan todobadii kulan ee ugu dambeeyay in Liverpool ay wali awood u yeelan doonto in ay hesho wax ka badan wadartaas si ay ugu guulaystaan premier league.