
Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Luis Enrique ayaa ku amaanay Arsenal mid ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub kadib markii ay todobaadkan ka ciribtireen kooxda Real Madrid tartanka champions League.
Kooxda Mikel Arteta ayaa 3-0 ku soo badisay lugtii hore ee wareega 8da todobaadkii hore laakiin ka hor kulanka soo laabashada ee habeenka Arbacada, ciyaartoyda Madrid ayaa kalsooni ku qabay in ay soo laabtaan soo laabasho kale oo taariikhi ah oo champions League ah.
Si kastaba ha ahaatee, Madrid ayaa ku dhibtoonaysay inay Arsenal ku dhibaatayso Santiago Bernabeu waxayna wiilasha Arteta ku soo gabagabeeyeen guul 2-1 ah si ay ugu gudbaan wareega semi-finalka Champions League.
Kooxda Luis Enrique ayaa guuldarro 2-0 ah kala kulantay Arsenal bishii October, taasoo ahayd mid aan lagu qanci karin intii lagu jiray wajigii horyaalka ee Champions League, iyadoo ay garaaceen Atletico Madrid iyo Bayern Munich, waxaana barbaro 1-1 ah gurigooda kula gashay PSV.
Laakiin PSG ayaa garaacday kooxaha Liverpool Iyo Aston Villa iyaga oo haatan ballansaday koox kale oo premier League ah.
Markii la weydiiyay Jimcihii haddii PSG ay faa’iido u leedahay inay ku ciyaarto koox kale oo Premier League ah oo Arsenal ah, Luis Enrique ayaa ku jawaabay: ‘Maya, si fiican, faa’iido iyo khasaare midna ma aha”.
“Waa wax iska cad in uu jiro qaab ay ku badan karaan kooxaha Ingiriiska”.
“Laakin kiiskan, waxaan horeyba u wajahnay Liverpool iyo Arsenal, waxay ahayd toddobo ama sideed bilood, sidoo kale Aston Villa, hadda waa Arsenal mar kale”.
“Waan ognahay cidda ay Arsenal reebtay, waxa aan ku jiraan 4-ta kooxood ee ugu dambeeya kulanka waxana aan la ciyaaraynaa kooxda ugu fiican yurub”.