Arsenal ayaa mar kale ku turunturootay horyaalka England Premier League kadib markii ay barbaro 1-1 ah la dhaafi weyday kooxda Brentford.

Arsenal ayaa ka sii fogaanaysa ku Guulaysiga Premier league Ciyaarta oo lagu marti galiyay garoonka Emirates Stadium ee magaalada London ayaa ku bilaabatay gool uu dhaliyay xiddiga reer Ghana Thomas Partey daqiiqadii 61-aad.

Goolka ayaa yimid ka dib markii ay weerarka rogaal celis halis ah qaadeen kooxda Arsenal waxana kubada isku dhiibay Goolhaye Raya kaas oo u dhiibay Rice ka Hor inta uuna Partey gool u badalin Fursadaha.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa daqiiqadihii ka haray isku dayay in ay dhaliyaan gool ay ku badiyaan, balse dadaalkooda ma noqon mid guuleesta, waxaana ay ciyaartu ku soo idlaatay barbar dhac niyad jab ah.



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here